Muqdisho,(insidesomalia.org)- Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa shaaca ka qaaday in uu fashilmay qorshe la doonayay in lagu weerayo xoogaga ka amar qaata Al-Shabaab oo ku sugan deegaanno ka tirsan GobolladaBay iyo Bakool.
Mr Roobow waxaa uu sheegay in qorshahaas ay abaabulayeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay doonayaan sida uu hadalka u dhigay in ay dhibaato u abuuraan dadka rayidka ah ee ku sugan GobolladaBay iyo Bakool.
"Nimanka qorshahaas wada waxaa ka mid ah Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare, waxaanse u sheegeynaa in aysa taasi u suurtageli doonin oo aan la socono qorshayaasha ay wadaann"ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho.
Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in ay Xoogagga Al-Shabaab yihiin kuwo leh awood ay ku ogaan karaan cid kasta oo abaabuleysa wax ka dhan ah, wuxuuna caddeeeyay in ay sii wadi doonaan halganka ay ugu jiraan sidii ay Ciidamada Itoobiya uga saari lahaayeen Gudaha Dalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, Afhayeenka Al-Shabaab Shekh Mukhtaarwaxaa uu soo dhaweeyay dadaalo lagu heshiisinayo Beelo wada dega Gobolka Bay, kuwaasi oo ay colaad dhexmartay, wuxuuna sheegay in ay gacan siinayaan cid kasta oo wanaag iyo nabadgelyo ka shaqeyneysa.